Taliyaha Laanta Socdaalka Dowlada Muqdisho C/llaahi Gaafow ayaa lagu eedeeyay inuu xoog ku haysto Guri ay leedahay Gabar Soomaaliyed oo caruur u dhashay nin Talyaani ah oo diinta Muslimka haysta Sida lagu cadeeyay Muuqaalkan.
Sida lagu sheegay Muuqaal ay soo duubtay Gabadha Guriga iska leh Ifraax waxaa laga dheehan karaa murugo iyo calool xumo in qof sheeganaya Mas’uul Soomaaliyed xoog ku haysto Guri dad soomaaliyed leeyihiin.
Ma ahan markii ugu horaysay Gaafow oo xoog ku haysta guryo tira ahaan la sheego inay Lix gurri gaarayaan ayaa Laba sano ka hor laga saaray Gurri ay leeyihiin dad Soomaaliyeed oo ay daganayeen qoyskiisa.